U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Ogoosto 19, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Mohammed Almowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah iyo walaaltinimada labada dal.

Safiirka Sacuudiga ayaa ugu horreyn Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyey doorashadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, isagoo u rajeeyey inuu si wanaagsan uga soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay labada dhinac siinayaan sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, walaaltinimo iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, kaas oo muddo dheer soo jiray.