Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Mohammed Almowallad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah iyo walaaltinimada labada dal.
Safiirka Sacuudiga ayaa ugu horreyn Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyey doorashadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, isagoo u rajeeyey inuu si wanaagsan uga soo baxo waajibaadka loo igmaday.




From the comments