Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digay in lix milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay wajahayaan cunto-yari ba’an, xilli ay si weyn hoos ugu dhacday maalgelinta loo heli karo howlaha gargaarka bani’aadannimo.
Ku-simaha Agaasimaha Fulinta WFP, Carl Skau, ayaa sheegay in hay’addu hadda haysato toban-meelood meel dhaqaalihii ay haysatay sannadkii 2022, markaas oo gurmad ballaaran oo caalami ahi gacan ka geystay in Soomaaliya laga baajiyo macluul.
Dhaqaale-yaraanta jirta ayaa WFP ku qasabtay inay gargaarka nafaqada ku koobto carruurta xaaladdoodu ugu daran tahay, iyadoo aanay hay’addu awoodin inay ballaariso taageerada ay gaarsiiso qoysaska kale ee nugul.
WFP waxay saadaalisay in 1.9 milyan oo carruur Soomaaliyeed oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay sannadkan la kulmi karaan nafaqo-darro ba’an. Ku dhowaad 500,000 oo ka mid ah carruurtaas ayaa la filayaa inay u baahdaan daaweyn degdeg ah oo la xiriirta nafaqo-darro aad u daran.
Saameynta cunto-yarida ayaa si weyn looga dareemayaa xarumaha caafimaadka iyo nafaqada ee ku yaalla Muqdisho. Xarunta Feynuus ee degmada Kaxda ayaa maalin kasta qaabbisha inta u dhexeysa 250 iyo 350 bukaan, kuwaas oo u badan haween iyo carruur ka soo barakacay gobollada dalka.
Maamulka xarunta ayaa sheegay in ku dhowaad toban xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah oo ku yaallay deegaannada ku dhow ay xirmeen kadib markii la dhimay maalgelintii bani’aadannimo. Arrintan ayaa cadaadis dheeraad ah saartay xarumaha kooban ee weli shaqeynaya.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xaaladda cuntada dalka ku tilmaamay mid aad looga walaaco. Hay’addu waxay sheegtay in qiyaastii laba milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Abaarta daba dheeraatay, colaadaha, barakaca, kororka qiimaha cuntada iyo shidaalka iyo hoos u dhaca kaalmada caalamiga ah ayaa lagu tilmaamay sababaha ugu waaweyn ee sii xumeynaya xaaladda. Amni-darrada ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa sidoo kale adkaynaysa in gargaarka la gaarsiiyo bulshooyinka ku nool deegaannada fog.
WFP waxay sheegtay inay haysato shaqaalaha iyo awoodda farsamo ee lagu ballaarin karo howlaha gurmadka, balse ay u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah. Hay’addu waxay uga digtay beesha caalamka in dib-u-dhac ku yimaada maalgelintu uu khatar gelin karo nolosha malaayiin qof, gaar ahaan carruurta, haweenka uurka leh iyo qoysaska barakacayaasha ah.
Inkasta oo xaaladda lagu tilmaamay cunto-yari ba’an, WFP ma aysan shaacin in Soomaaliya si rasmi ah looga diiwaangeliyey macluul. Hase yeeshee, hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqaya in tallaabo degdeg ah la qaado si looga hortago in xaaladdu gaarto heer ka sii daran.