U bood dhigaalka

Puntland oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad

Ogoosto 22, 2026

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaacisay xogta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Imtixaanka waxaa sanadkan u fariistay 8,923 arday, kuwaas oo 8,205 arday, oo u dhiganta 92%, ay ku guuleysteen imtixaanka.

Dhanka kale, 718 arday, oo ah 8% tirada guud ee ardayda imtixaanka gashay, ayaa ku dhacay imtixaanka.

Sidoo kale, 35 arday ayaa laga reebay imtixaanka kadib markii lagu helay arrimo sababay in laga baabi’iyo natiijadooda.

Natiijadan ayaa muujinaysa in inta badan ardaydii u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ay ku guuleysteen, iyadoo heerka guushu uu gaaray 92 boqolkiiba.