Dhul-gariir xooggan oo cabbirkiisu ahaa 6.0 Magnitude ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 145 KM waqooyi ka xigta degmada Caluula ee gobolka Bari.
Sida xogta Hay’adda Sahanka Juqraafiyeedka Mareykanka (USGS) ay sheegtay dhul-gariirku wuxuu dhacay 12:07 habeenimo ee 28-ka Agoosto, waqtiga Soomaaliya, waxaana xudduntiisu ku taallay badda hoosteeda, iyadoo qoto-dheeraanta lagu qiyaasay ku dhowaad 10 KM.
Warbixinno la helayo ayaa sheegaya in gariirka laga dareemay qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo Yemen. USGS-na waxay diiwaangelisay heer gariir oo gaaraya (4) marka loo eego cabbirka Mercalli, taas oo keeni karta in dadka gudaha dhismayaasha ku jira ay si cad u dareemaan gariirka, isla markaana ay ruxmaan albaabada, daaqadaha iyo walxaha qaarkood.
Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare dhimasho, dhaawac ama burbur dhisme oo ka dhashay dhul-gariirka, waxaana xuddunta gariirku ku taallay meel badda ah oo ka fog goobaha dadku ku badan yihiin.
Dhul-gariirkan ayaa ah dhacdo muhiim ah marka loo eego dhaqdhaqaaqa dhulka ee gobolka, iyadoo 25-kii Juun 2026 uu isla aagga Caluula ka dhacay dhul-gariir kale oo cabbirkiisu ahaa 5.1 Magnitude, kaas oo sidoo kale ku dhacay qiyaastii 10 KM badda hoosteeda.