Bangiga Qaranka Itoobiya (NBE) ayaa soo saaray amar iyo digniin culus oo ku saabsan shirkado iyo shabakado xawaaladeed oo uu sheegay inaysan haysan ruqsad sharci ah oo ay kaga shaqeeyaan gudaha dalkaas.
Bangiga ayaa tilmaamay in macaamilka lala yeesho shirkadaha aan fasaxa rasmiga ah haysan ay si toos ah uga horimanayso shuruucda iyo nidaamka maaliyadda dalka.
Waxa uu ka digay in arrintani ay sababi karto khasaare maaliyadeed oo soo gaara macaamiisha, xannibaad lagu sameeyo xisaabaadka bangiyada, iyo tallaabooyin sharci oo adag oo laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata dirista ama qaadashada lacagahaas.
Liiska rasmiga ah ee Bangiga Qaranka Itoobiya uu shaaciyay ayaa waxaa ku jira shirkado xawaaladeed oo ay Soomaalidu si baaxad leh u isticmaasho, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taaj Financial Service, Amal Express, Bakal, Jubba Express, Amana, Tawakal, iyo Ramad Pay (Kaah). Shirkadahan ayaa door weyn ku lahaa isku-xirka bulshada iyo isu-gudbinta lacagaha ee gobolka Geeska Afrika.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn toos ah ku yeesho jaaliyadda ballaaran ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Itoobiya iyo qoysaska noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha dibadda looga soo diro.
Bangiga Dhexe ee Itoobiya ayaa ugu baaqay dhammaan dadweynaha inay isticmaalaan keliya hay’adaha maaliyadeed iyo wakiillada haysta shatiga rasmiga ah ee dalkaas.