Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, ayaa shaaciyay in howlaha qodista ceelka shidaalka badda ee Curad-1 ay u socdaan si xawli ah, isla markaana la filayo in la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha Sebtembar ee soo socota.
Qodista ceelkan, oo ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga, ayaa markii hore loo qorsheeyay inay soo idlaato bisha Oktoobar, balse horumarka weyn ee laga gaaray hawsha ayaa suuragelinaya in la dhammaystiro bil ka hor xilligii loo asteeyay. Tallaabadan ayaa muujinaysa hufnaanta iyo xawaaraha ay ku socdaan qalabka iyo kooxaha farsamada ee ku howlan sahminta kheyraadka badda Soomaaliya.
Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha, qodista ayaa haatan gaartay qoto-dheer dhan qiyaastii 3,000 oo mitir, iyadoo bartilmaameedku yahay inay gaarto ilaa 4,000 oo mitir oo ka hooseeya sagxadda badda, taas oo wadarta guud ee dhererka ceelka ka dhigaysa ku dhawaad 7,500 oo mitir. Dhammaan howlgallada ayaa lagu warramay inay u socdaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee badbaadada iyadoo aan wax cillado farsamo ah la kulmin.
Dhammaystirka ceelka Curad-1 ayaa taariikh cusub u ah labada dal, maadaama uu yahay ceelkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo qoto-dheer oo uu Turkigu ka qodo meel ka baxsan biyihiisa dhuleed. Mashruucan ayaa la filayaa inuu Soomaaliya u furo fursado maalgashi oo ballaaran iyo bilowga marxalad cusub oo lagu soo saaro kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.