U bood dhigaalka

Hoggaamiyaasha Shiinaha iyo Ruushka oo maanta ku kulmaya Shir Muhiim ah oo ka Dhacaya Kyrgyzstan

Ogoosto 31, 2026

Madaxda Ruushka iyo Shiinaha, Vladimir Putin iyo Xi Jinping, ayaa maanta ku kulmaya caasimadda Kyrgyzstan ee Bishkek, halkaas oo ay ka dhacayaan shir madaxeedka sannadlaha ah ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO).

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan toban hoggaamiye, waxaana ajandaha shirka diiradda lagu saarayaa iskaashiga dhaqaale, amniga iyo xiriirka caalamiga ah.

Shirka ayaa kusoo beegmaya xilli Ruushka iyo Shiinaha ay sii xoojinayaan xiriirkooda siyaasadeed iyo dhaqaale, iyagoo si joogto ah ugu baaqaya in dunidu u gudubto nidaam ay awooddu ku kala qaybsan tahay dalal badan, halkii uu hal dal ama koox dalal ah si weyn ugu talin lahaa.

Inkastoo Ururka Iskaashiga Shanghai uu si rasmi ah u caddeeyo inuusan ahayn isbahaysi militari oo ka dhan ah dalal kale, haddana Moscow iyo Beijing waxay shirka u adeegsadaan inay ku soo bandhigaan aragtidooda ku saabsan nidaamka cusub ee caalamka iyo waxa ay u arkaan faragelinta reer Galbeedka.

Putin iyo Xi ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u kordhiyay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta, ganacsiga, militariga iyo siyaasadda caalamiga ah.

Ruushka oo wajahaya cadaadis iyo cunaqabateyn kaga imaanaya dalalka reer Galbeedka ayaa Shiinaha u arka suuq muhiim ah oo uu u dhoofiyo tamartiisa iyo badeecooyinkiisa, halka Beijing ay Moscow u aragto saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah loollanka awoodaha caalamka.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, kaas oo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho Vladimir Putin.

Iiraan waxay xubin buuxda ka noqotay Ururka Iskaashiga Shanghai sanadkii 2023, waxaana Tehran iyo Moscow ka dhexeeya xiriir dhow oo dhinacyada militariga iyo siyaasadda ah, halka Iran iyo Shiinahana ay leeyihiin xiriir xooggan oo dhinaca tamarta iyo ganacsiga ah.

Kulanka Pezeshkian iyo Putin ayaa sidaas darteed yeelan kara muhiimad gaar ah marka la eego xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo shirka, inkastoo Turkigu uusan ahayn xubin buuxda oo SCO ah.

Ururka ayaa hadda leh 10 xubnood oo rasmi ah, halka 15 dal oo kale ay yihiin waddamo xiriir la leh ururka oo loo yaqaan “partners in dialogue”. Waxaa kamid ah Sacuudiga iyo Qatar. Hindiya iyo Pakistan oo labaduba xubno buuxa ka ah SCO ayaa iyaguna ka qeybgalaya kulanka.

Ururka Iskaashiga Shanghai wuxuu sheegtaa inuu matalo ku dhowaad 40 boqolkiiba dadka dunida iyo qiyaastii 25 boqolkiiba dhaqaalaha caalamka, taasoo muujineysa miisaanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku mideysan ururkan.

Sannadkan ayaa sidoo kale ku beegan 25 sano guuradii aasaaska SCO, taasoo shirka siinaysa muhiimad dheeraad ah.

Kulanka Bishkek ayaa sidoo kale dhacaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka dhaqaale ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in Washington ay dooneyso in dalalka G20 ay dib u eegaan shuruudaha ganacsi ee ay la leeyihiin Shiinaha.

Bessent wuxuu si gaar ah u dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay dheelitir la’aanta ganacsi ee Shiinaha, isagoo sheegay in Beijing ay isku dayeyso inay dhibaatooyinka dhaqaale ee gudaha kaga gudubto dhoofinta badeecooyin badan.

Si kastaba ha ahaatee kulanka Putin iyo Xi Jinping ee Bishkek ayaa noqonaya mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo la filayo in labada hoggaamiye iyo madaxda kale ay ka hadlaan amniga, ganacsiga, tamarta iyo mustaqbalka nidaamka caalamiga ah.