U bood dhigaalka

Soomaaliya oo soo gebagabeysay hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay

Sebteembar 17, 2026

Muqdisho, Soomaaliya — 17 Sebteembar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay hawshii Xafiiska Arrimaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo hoos imaanayay UNTMIS/HRPG, iyadoo mas’uuliyadda arrimaha Xuquuqul Insaanka si buuxda loogu wareejiyay hay’adaha qaranka.

Geeddi-socodka ayaa soo maray wada-hadallo iyo diyaar-garow heer qaran iyo heer caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen kulamo ka dhacay Muqdisho, Geneva iyo New York. Waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyadoo ay ka qeyb qaateen maamulka Wasaaradda, agaasimeyaal, la-taliyeyaal, khubaro iyo shaqaale Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo lahaanshaha iyo hoggaaminta qaranka ee ajandaha Xuquuqul Insaanka, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso hay’adaha u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dowladdu waxay sheegtay in geeddi-socodka ay saldhig u ahaayeen horumarrada Soomaaliya ka sameysay dhinaca Xuquuqul Insaanka, go’aannada dowladda iyo xoojinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya. Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Maarso 2025 ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu door ka qaatay dhismaha aragti qaran oo ku wajahan ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay looma arko dhammaadka taageerada iyo shaqada Xuquuqul Insaanka, balse wuxuu calaamad u yahay marxalad cusub oo hay’adaha Soomaaliyeed ay si toos ah ugu qaadanayaan masuuliyadda ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqda muwaadiniinta.

Marxaladdan cusub waxay Soomaaliya ka doonaysaa xoojinta hay’adaha, isla-xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira Xuquuqul Insaanka.

Soomaaliya waxay maanta soo gabagabeysay cutub, waxayna furtay mid cusub—cutub ay hay’adaha qaranku leeyihiin, hoggaaminayaan, kana mas’uul yihiin ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.