U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan

Sebteembar 20, 2026

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidan, tayeynta iyo tababarka ciidamada iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu horumarinayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka loona dardargeliyo howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.