U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Doha kula kulmay dhiggiisa Qatar

Sebteembar 21, 2026


Doha, Qatar – Sebteembar 21, 2026: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ahna Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Ibraahim bin Cali Al-Muhannadi.


Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sharciga iyo cadaaladda, horumarinta hay’adaha cadaaladda, tayeynta shaqaalaha, casriyeynta adeegyada garsoorka iyo is-dhaafsiga khibradaha labada dal.


Wasiir Xasan Macallin ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xilli gobolka ay ka jiraan xaalado xasaasi ah.


Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado kulamada wadatashiga farsamo, si loo hirgeliyo barnaamijyo iskaashi oo wax ku ool ah, loona horumariyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.