Goobjoog

Mareykanka oo 23 Dal oo Soomaaliya ku jirto Muwaadiniintiisa uga Digey inay u Safraan

Dowladda Mareykanka ayaa 23 dal oo caalamka ah ku dartay liiska dalalka ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan, iyadoo digniintaas siisay heerka afaraad ee ugu sarreeya, kaas oo loo yaqaan “Level 4 – Do Not Travel”.

Mareykanka oo 23 Dal oo Soomaaliya ku jirto Muwaadiniintiisa uga Digey inay u Safraan

Dowladda Mareykanka ayaa 23 dal oo caalamka ah ku dartay liiska dalalka ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan, iyadoo digniintaas siisay heerka afaraad ee ugu sarreeya, kaas oo loo yaqaan “Level 4 – Do Not Travel”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in digniinta heerkan ah la bixiyo marka xaaladaha amni ee dal gaar ah ay khatar ku yihiin dadka safarka ah, ama marka dowladda Mareykanka ay awood xaddidan u leedahay inay caawimaad siiso muwaadiniinteeda haddii ay xaalad degdeg ah la kulmaan.

Dalalka lagu daray liiskan waxaa ka mid ah Soomaaliya, Afghanistan, Belarus, Burkina Faso, Myanmar, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Haiti, Iiraan, Ciraaq, Lubnaan, Liibiya, Mali, Niger, Kuuriyada Waqooyi, Ruushka, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Suuriya, Uganda, Ukraine iyo Yemen.

Mareykanka ayaa digniinta ku sheegay in dalalkan ay ka jiraan xaalado halis ah oo ay ka mid yihiin dagaallo hubeysan, argagixiso, afduub, dambiyo abaabulan, rabshado siyaasadeed iyo xaalado caafimaad oo aan wanaagsanayn.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka digniintan laga soo saaray, iyadoo dowladda Mareykanku ay walaac ka muujisay xaaladaha amni, weerarrada argagixisada,iyo awoodda xaddidan ee adeegyada qunsuliyadeed ee ay muwaadiniinteeda ku caawin karto gudaha dalka.

Digniinta heerka afaraad ayaa ah tan ugu daran afarta heer ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku u isticmaasho qiimeynta khatarta safarka, waxaana muwaadiniinteeda si cad loogu boorriyay inaysan dalalkaas u safrin duruufo kasta ha jiraan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments