Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi rasmi ah u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shil tareen oo 8-dii November 2026 ka dhacay magaalada Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo ah 10-ka November ayay ku sheegtay inay murugada la qeybsanayso dowladda Masar iyo qoysaska dadkii ku waxyeelloobay shilkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Masar xilligan adag, iyadoo Alle uga bariday dadka ku dhintay shilka inuu naxariistiisa siiyo, eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo.




From the comments