Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa si rasmi ah u bilaabay waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Muqdisho, xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu uu marayo marxalad muhiim ah oo iskaashi iyo xiriir diblomaasiyadeed.
Safiir Alkan ayaa sheegay inuu sharaf weyn u arko inuu Soomaaliya u matalo Türkiye xilli la xusayo 60-guurada aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo sidoo kale sanadkan uu ku beegan yahay 15-guurada booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku tagay Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa booqashadii Muqdisho ku tagay xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad bani’aadannimo oo aad u daran, waxaana booqashadaasi noqotay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Safiirka cusub ayaa sheegay inuu Muqdisho kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed, isaga oo la yeeshay kulan iyo wada sheekeysi uu ku tilmaamay mid diirran.
Wuxuu xusay in dhallinyaradu ay muujiyeen aragtidooda ku aaddan horumarka amni iyo xasilloonida laga dareemayo Muqdisho iyo nawaaxigeeda sannadihii u dambeeyay.
Alkan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiriirka labada dal uu ku fidsan yahay dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadannimo.
Safiirka Ferhat Alkan ayaa sheegay in mudada uu xilka hayo uu xoogga saari doono horumarinta xiriirka labada dal, isaga oo tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye lagu dhisayo is-ixtiraam, kalsooni iyo dano wadaag ah.
Wuxuu sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in xiriirka labada dal loo sii horumariyo jihada lagu gaari karo barwaaqada iyo daryeelka labada shacab ee uu ku tilmaamay kuwo saaxiib iyo walaalo ah.
Safiirka ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu dhegaysan doono fikradaha iyo talooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo saaxiibbada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya, isaga oo sheegay in albaabbada Safaaradda Türkiye ay mar walba u furnaan doonaan dadka Soomaaliyeed.
Bilowga shaqada Safiir Ferhat Alkan ayaa sidaas ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Türkiye ay xusayaan lixdan sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in xiriirkooda iyo iskaashigooda loo sii gudbiyo heerar cusub.