U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Difaaca

Sebteembar 26, 2026

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Caliim.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay Jamhuuriyadda Aljeeriya.