U bood dhigaalka

DFS oo mushaarka u fasaxday in ka badan 2,500 askari oo ku sugan Waqooyi Bari

Sebteembar 27, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa xalay markii ugu horreysay mushaarkooda u fasaxday in ka badan 2,500 oo askari oo ku sugan maamulka Waqooyi Bari.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in ku dhowaad 200 oo sarkaal loo dalacsiiyay maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan saraakiisha qaybta 26-aad oo la qorsheeyay in laga aasaaso maamulkaas.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli ay socdaan qorshayaal la xiriira dhismaha iyo habaynta ciidamada maamulka Waqooyi Bari, iyadoo fasaxa mushaharka iyo dalacsiinta saraakiishu ay qayb ka yihiin isbeddellada lagu sameynayo qaab-dhismeedka ciidamada.

Ilaa hadda ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay sababta rasmiga ah ee tallaabooyinkan iyo qorshaha guud ee qaybta 26-aad.