Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeyay ololaha doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo musharraxiinta iyo ururrada siyaasadeed ay maalmihii u dambeeyay olole iyo kulamo siyaasadeed ka wadeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug.
Musharraxa hoggaanka Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay inuu si rasmi ah Gaalkacyo ugu soo xiray ololihiisa, isagoo u mahadceliyay shacabka, maamulka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo madaxda heer federaal iyo heer Galmudug ee uu sheegay inay si diirran u soo dhaweeyeen.
Liibaan ayaa Gaalkacyo ku tilmaamay magaalo muhiim u ah nabadda, wada noolaanshaha iyo isku xirnaanta bulshada, isagoo sheegay inuu doonayo in magaalada ay door muuqda ka qaadato dadaallada dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Galmudug iyo Puntland.
Ololaha musharraxa ayaa ka hor Gaalkacyo soo maray magaalooyin kale oo Galmudug ah, ayadoo 19-kii Sebtembar, wafdi uu hoggaaminayay Liibaan Axmed Xasan ay gaareem Guriceel, halkaas oo uu kulamo iyo olole ay h ka sameeyeen.
Guud ahaan Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada ku-celiska ah, waxaana ololayaashu ka socdaan Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Doorashadan ayaa timid kaddib markii Maxkamadda Sare ee dalku ay burisay natiijadii doorashadii 30-kii Luulyo, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inaan loo marin hab waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka, waxaana la amray in doorashada dib loo qabto.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in 30-ka Sebtembar 2026 loo asteeyay in la qabto doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug, halka ololaha siyaasadeedna uu ku egyahay 28-ka Sebtembar.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb-galaya 12 urur siyaasadeed oo gudbiyay liisaska musharraxiintooda iyo dukumentiyada looga baahnaa ka qaybgalka doorashada ku-celiska ah, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinku.