U bood dhigaalka

Soomaaliya oo shir-guddoominaysa kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Sebteembar 28, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga dalalka gobolka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka gobolka.

Kaabayaasha isku xira dalalka Geeska Afrika ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, ballaarinta ganacsiga gobolka iyo abuurista fursado dhaqaale oo dheeraad ah.

Madashan ayaa sidoo kale fursad u siinaysa dalalka gobolka inay iska kaashadaan arrimaha dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kuwa xoojin kara isku-xirka iyo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Shir-guddoominta kulanka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Geeska Afrika ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta kaabayaasha gobolka.