U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya Madasha Al-Calamayn Afrika

Oktoobar 2, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Madasha Al-Calamayn Afrika.

Madasha ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrika. Madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ayaa sidoo kale ka wada hadlaya fursadaha maalgashi, kobcinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale.

Ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Soomaaliya u noqonaya fursad ay ku soo bandhigto fursadaha maalgashi ee dalka iyo awoodda dhaqaale ee uu leeyahay, iyadoo sidoo kale la xoojinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka Afrika.

Inta uu ku sugan yahay Al-Calamayn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo la yeesho madaxda Masar iyo madaxda kale ee ka qaybgalaysa madasha, iyadoo kulamadaasi looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.