Goobjoog

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta

Baydhabo, 3 Oktoobar 2026 – Golaha Wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shir-guddoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).…

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta

Baydhabo, 3 Oktoobar 2026 – Golaha Wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shir-guddoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa qiimeeyay xaaladda amni ee deegaannada maamulka, waxaana diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu ay yihiin tiirarka aas-aaska u ah xasilloonida iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada, xoojinayo nabadgelyada iyo horumarinta dowladnimada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments