U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta

Oktoobar 3, 2026

Baydhabo, 3 Oktoobar 2026 – Golaha Wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shir-guddoomiyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa qiimeeyay xaaladda amni ee deegaannada maamulka, waxaana diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu ay yihiin tiirarka aas-aaska u ah xasilloonida iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada, xoojinayo nabadgelyada iyo horumarinta dowladnimada.