Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay is-weydaarsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinaca shaqada baarlamaanka iyo horumarinta aqoonta hay’adeed.
Labada dhinac ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Baarlamaannadu door muuqda ka qaataan matalaadda danaha iyo himilooyinka shucuubta labada dal, iyo in la xoojiyo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta.




From the comments