Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay is-weydaarsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinaca shaqada baarlamaanka iyo horumarinta aqoonta hay’adeed.
Labada dhinac ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Baarlamaannadu door muuqda ka qaataan matalaadda danaha iyo himilooyinka shucuubta labada dal, iyo in la xoojiyo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta.
Sidoo kale, Guddoomiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda xiriir ku dhisan is-ixtiraam, is-afgarad iyo dano wadaag, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, Kenya iyo guud ahaan gobolka.
Kulanka ayaa ka dhacay iyadoo labada dal ay wadaagaan xiriir dhinacyo badan leh, waxaana kulamada heerka baarlamaan ee labada waddan loo arkaa fursad lagu sii xoojin karo iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta iyo is-dhaafsiga khibradaha.