Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta, Mohamed Ahmed Al-Yamahi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-tashiyada iyo isku-duwidda mowqifyada laga yeesho arrimaha ay wadaagaan.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka Soomaaliya ee iskaashiga baarlamaaniga ah ee dunida Carabta, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta Soomaaliya iyo kuwa dalalka Carabta.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweyne Mohamed Ahmed Al-Yamahi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta, kaas oo ku saleysan is-ixtiraam, dano wadaag iyo iskaashi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirka baarlamaaniga ah ee ay la leedahay dalalka Carabta.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladaha Carabta taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, qarannimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Kulankan ayaa ka mid ahaa kulamada ka socda magaalada Arusha ee Tanzania, iyadoo mas’uuliyiinta Soomaaliya ay halkaasi kaga qaybgalayaan hawlo la xiriira iskaashiga iyo xiriirka baarlamaaniga ah.