MUQDISHO (Goobjoog News) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa hambalyada u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha, Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mursal Cabdi Aadan.
Xasan Sheekh ayaa guddoonka cusub u rajeeyay guul iyo inay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan danta guud, wadajirka iyo horumarka Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowlad goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha Wakiillada, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka ka saaran hoggaaminta iyo matalaadda shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay deegaannada Galmudug, kuwaas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta ee doorashada hoggaankooda.
Doorashada guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa imaanaysa iyadoo dowlad goboleedku uu sii wado howlaha la xiriira dhismaha iyo xoojinta hay’adihiisa dowladeed.