Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday gogosha tacsida Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.
Madaxweynaha ayaa dhambaal tacsi iyo duco ah la wadaagay qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida ku timid.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdows.





From the comments