Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhiirrigeliyay Maalgashiga iyo Wax-soo-saarka Gudaha

Muqdisho, 25 Nofeembar 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isaga oo u kuurgalay habsami u socodka…

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhiirrigeliyay Maalgashiga iyo Wax-soo-saarka Gudaha

Muqdisho, 25 Nofeembar 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isaga oo u kuurgalay habsami u socodka shaqada wasaaradda iyo adeegyada ay bulshada u qabato.

Madaxweynaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wakiillo ka socday beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta wax-soo-saarka beeraha, dhiirrigelinta dalagyada dalka laga beero iyo fududeynta caqabadaha ka haysta suuq-geynta wax-soo-saarkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta ganacsiga, ilaalinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ganacsi oo u saamaxaya ganacsatada inay si ammaan ah oo hufan u gutaan waajibaadkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo baahan yahay in la isu dheellitiro sugidda amniga dalka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga, si loo kobciyo dhaqaalaha loona taageero wax-soo-saarka gudaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments