Golaha Wakiillada Galmudug ayaa Cabdiwali Ibraahim Garyare u doortay Hoggaamiye-ku-xigeenka maamulka Galmudug, kaddib doorasho ka dhacday xarunta golaha.
Garyare ayaa ku guuleystay doorashada isaga oo helay 64 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Cabdisataar Maxamed Geelle uu helay 20 cod.
Natiijada doorashada ayaa muujinaysa in Garyare uu helay aqlabiyadda codadka la dhiibtay, isaga oo kaga guuleystay musharraxa la tartamayay.




From the comments