Dhuusamareeb: Liibaan Axmed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib markii uu helay aqlabiyadda codadka xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug. Guushan ayaa ka dhigaysa Liibaan hoggaamiyihii afraad ee soo mara maamulka Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa doorashada kaga guuleystay Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye, oo ahaa musharraxa la tartamayay, waxaana natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka ay muujisay in Liibaan uu helay 72 cod, halka Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye uu helay 14 cod.
Guushan ayaa Liibaan Axmed Xasan u horseedaysa inuu noqdo hoggaanka Cusub ee Galmudug, iyadoo la filayo inuu maamulka hoggaamiyo muddada shanta sano ee soo socota, sida ku cad muddada xilka ee la sheegay.




From the comments