Muqdisho – Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa qaatay shahaadada musharraxnimada xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, halka Cabdifiitaax Afrax uu qaatay shahaadada musharraxnimada Hoggaamiye ku-xigeenka maamulkaas.
Labada musharrax ayaa sidaas ku xaqiijiyey ka-qaybgalka tartanka doorashada hoggaanka Hirshabelle, iyadoo la filayo in doorashada maamulka ay ka dhacdo magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa u tartamaya xilka hoggaamiyaha Hirshabelle, halka Cabdifiitaax Afrax uu u tartamayo xilka hoggaamiye ku-xigeenka.




From the comments