Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed.
Kulanka oo uu sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo doorka muhiimka ah ee isimada dhaqanka ay ku leeyihiin nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa kulanka ku lafa-guray kaalinta ay hoggaanka dhaqanku ka qaadan karaan xoojinta wadajirka bulshada, horumarinta dowladnimada iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.




From the comments