Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh: Israa’iil Waxay Danaynaysaa Badda Cas, ee Ma Aha Soomaaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland ay salka ku hayso dano istaraatiijiyadeed oo la xiriira Badda Cas, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ujeeddada ugu weyn ay tahay raadinta meel ay ka sameysato saldhig ciidan oo badeed.

Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Israa’iil aysan tallaabadaas u qaadin dano la xiriira horumarinta Soomaaliland ama taageero ay u hayso qadiyadda ay Soamaaliland ku doonayso gooni-isu-taagga, balse ay raadineyso dano amni iyo juqraafi-siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ciidan oo badeed ka hesho meel muhiim u ah marin-biyoodka Badda Cas, si ay ugu dhowaato Gacanka Cadmeed iyo goobaha kale ee ay danaha amni ka leedahay.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in dal shisheeye uu gudaha dalka ka sameysto saldhig ciidan oo aan waafaqsanayn madax-bannaanida iyo shuruucda dalka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay muddo dheer ilaalinaysay mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya u aqoonsan tahay hal dal.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalku ay soo dhoweyneyso mowqifka Mareykanka ee taageeraya midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in arrinta Soomaaliland ay u baahan tahay in lagu wajaho wada-hadal iyo dadaallo siyaasadeed, si loo helo xal waara oo waafaqsan midnimada dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments