Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay kaga qeyb-gelayaan munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ugu horreeyo hoggaamiyaha Cusub Liibaan Axmed Xasan iyo xubno kale oo ka qeyb qaadanaya qabanqaabada munaasabadda.
Imaatinka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah wufuudda heerka sare ah ee maalmihii iyo saacadihii u dambeeyay ku qulqulaysay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo isugu jira hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiin caalami ah.




From the comments