Goobjoog

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

Muqdisho, Arbaco 04 Nofeembar 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurkaโ€ฆ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

Muqdisho, Arbaco 04 Nofeembar 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aasaasay guddiga.

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maaliyadda, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada iyo hayโ€™adaha ka shaqeeya caafimaadka sida WHO, Unicef, Gavi, Africa CDC ,Malinda iyo Gates Foundation , ayaa looga hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, gaarsiinta tallaalka carruurta aan wali helin, ciribtirka dabaysha iyo kordhinta maalgelinta gudaha, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hayโ€™adaha bahwadaagta ah, si ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu u helo adeegyo caafimaad oo aasaasi ah.

Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in isla xisaabtan dhab ah lagu wajaho ciribtirka cudurka dabaysha, isaga oo yiri โ€œMiisaaniyad kasta oo loo qoondeeyay tallaalka waa in ay dhashaa natiijo cad, isla markaana tallaalkaas gaaraa ilmo kasta, iyada oo loo marayo hannaan daahfuran, innaga oo waxqabadkeena ku qiimeynayna inta carruur ee aan xifdinay, iyo tayada adeegyada aan qabanayโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusey in Guddiga Fulinta isku-dhafka ah ee tallaalka lagu xisaabin doono tirada carruurta ay gaaraan, safmarada cudurada ay ka hortagaan, iyo illaa heerka ay xaqiijiyaan in carruurta Soomaaliyeed ay si sahlan u heli karaan tallaalada muhiimka ah.

Intii uu shirka socday , waxaa warbixino kala duwan ka soo jeediyay hayโ€™adaha kala Gavi, Unicef, Hayโ€™adda Malinda and Gates , Xarunta Ka Hortagga Cudurada Faafa ee Africa ee CDC Africa, Wasaaradda Caafimaadka, Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, iyo Wakiil metelayay Dowlad Goboleedyada, waxaana ugu dambeyntii lagu ansixiyay qorshe-hawleedka lixda bilood ee Guddiga Fulinta Isku-Dhafka ah, kaas oo qeexaya masuuliyadaha hayโ€™adaha kala duwan iyo waqtiyada fulinta. Waxa kale oo la isku raacay xoojinta maalgelinta gudaha, wada-shaqeynta wasaaradaha iyo isla-xisaabtanka hayโ€™adaha caalamiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments