Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si kulul uga hadlay dagaallada iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka socda deegaannada Koonfur-galbeed Soomaaliya, isagoo dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay kaalin weyn ku leedahay hurinta colaadaha iyo taageeridda dhinacyada dagaallamaya.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah ayaa sheegay in Imaaraadku uu dhaqaale iyo taageero kale ku bixiyo dagaallada ka socda deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu sheegay inay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Xamse ayaa sheegay in dowladda Imaaraadku ay taageero siiso dhinacyada ka soo horjeeda dowladda Federaalka, isla markaana ay dhaqaale badan ku bixiso sidii ay u sii socon lahaayeen dagaallada ka socda Koonfur-galbeed.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inay dhinacyada dagaallamaya gaarsiiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones, si loogu adeegsado colaadaha halkaasi ka socda.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u carrabka ku adkeeyay in dhibaatada ka dhalata dagaalladaasi aysan ahayn oo keliya mid gudaha Soomaaliya ku kooban, balse ay jirto mas’uuliyad uu sheegay inay dusha ka saaran tahay dowladda Imaaraadka, maadaama uu ku eedeeyay inay maalgeliso dhinacyada dagaalka wada.
Isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda colaadeed ee dalka Suudaan, gaar ahaan magaalada Al-Faashir oo ay ka dhaceen dilal iyo xasuuqyo baahsan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Imaaraadku uu taageero dhaqaale ku bixiyo colaadaha ka socda gobolka, isla markaana uu isku dayayo inuu xaalado la mid ah ka abuuro Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto taageerada uu ku eedeeyay Imaaraadka, isagoo digniin ka bixiyay saameynta ay arrimahaasi ku yeelan karaan nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka dowladnimada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo koobay in dowladda Imaaraadka ay mas’uuliyad ka qaaddo khasaaraha ka dhasha dagaallada Koonfur-galbeed, isagoo sheegay in qof kasta oo ku dhinta ama ku dhaawacma colaadaha ka socda deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay jirto mas’uuliyad uu Imaaraadka dusha uga saaray.
From the comments