Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo xusay arrimo uu sheegay inay sabab u noqdeen inuu xumaado xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer xiriir la lahayd Imaaraadka Carabta, asagoo sheegay in Soomaaliya ay berisamaadkii dalkaas caawin jirtay.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Imaaraadku uu Soomaaliya ku siray xariirkii soo jireenka ahaa ee labada dal, isagoo tusaale u soo qaatay xiriirro taariikhi ah oo ka dhexeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdii hore ee Imaaraadka, xilli dalkaasi usan weli qaadan xorriyadda.
Wuxuu sheegay in xariirradaas iyo taariikhda wadaagga labada dhinac ay abuureen kalsooni ay Soomaalidu u qabtay Imaaraadka, islamarkaana aas-aasihii dowladda Imaaraadka Shiikh Saayid uu ahaa nin Soomaalida jecel.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday waxyaabo ay ka mid yihiin diinta, afka Carabiga iyo xariirka bulsho ee labada dhinac, kuwaas oo uu sheegay inay qayb ka ahaayeen isu-dhowaanshaha Soomaalida iyo Imaaraadka.
wuxuu tilmaamay in markii dambe ay dowladda Soomaaliya fahantay in xariirkaas taariikhiga ah iyo isu-dhowaanshaha bulsho aan loo adeegsan sidii la filayay.
Wuxuu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay hadda fahmeen siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Soomaaliya, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer dalbanayeen in Imaaraadka la eryo.
Hadalka Ra’iisulwasaare Xamse ayaa imaanaya saacado kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya uu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi dib loogu yeeray wadatashi.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna war rasmi ah ka soo saartay xaaladda xiriirka labada dal, iyadoo sheegtay in safaaraddeeda Muqdisho iyo joogitaankeeda diblomaasiyadeed ay hore isbadel ugu sameeyeen, oo safiirkoodu ilaa janaayo uusan muqdisho joogin.
Dalalka Aljeeriya, Suudaan, Yemen, iyo Liibiya ayaa horey go’aamo kala duwan uga soo saaray faragelinta imaaraadka, ayadoo Jamhuuriyadda Jabuuti ay ayaduna horay dalkeeda uga cayrisay shirkadda DP World oo ay ku eedaysay khiyaano.
From the comments