Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Sacuudiga ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka fikradaha ay faafiyaan kooxaha Khawaarijta iyo sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa halista xagjirnimada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada iyo qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo fikirka xagjirka ah, isaga oo xusay baraarugga bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan khatarta kooxaha Khawaarijta.





From the comments