Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Shirweynaha 3-aad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta, kaas oo 16-ka ilaa 17-ka Noofambar 2026 ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.
Shirweynahan oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dhinacyada ku shaqada leh kormeerka iyo qiimeynta, ayaa diiradda lagu saari doonaa doorka xogta iyo natiijooyinka qiimeynta ee lagu horumarin karo hannaanka maamulka iyo fulinta qorshayaasha dowladda.
Ajandaha shirweynaha ayaa si gaar ah loogu lafaguri doonaa sidii xogta la ururiyo iyo natiijooyinka kasoo baxa qiimeynta loogu adeegsan lahaa la socodka hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029, si loo ogaado heerka uu marayo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda.





From the comments