Muqdisho, 15 Nofeembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo dhawaan lagu sameeyay dib-u-dhis iyo casriyeyn.
Intii uu kormeerka ku jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda, taas oo lagu soo bandhigay waxqabadka, siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo nidaamka dijitaalka ah ee dalka.
Mashaariicda la soo bandhigay waxaa ka mid ah dib-u-soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyo mashruuca isku-xirka dijitaalka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada internet-ka iyo is-dhexgalka dijitaalka ee gobolka.





From the comments