Jowhar – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee maamulka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa, ka sokow ka qeybgalka munaasabadda, kulan la yeelan doona hoggaanka Hirshabeelle, isaga oo ka dhageysan doona warbixinno la xiriira horumarka maamulka, fidinta adeegyada bulshada, hirgelinta mashaariicda horumarineed, sugidda amniga iyo xoojinta iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoggaanka Hirshabeelle iyo madaxda kale ee ka qeybgalaysa munaasabadda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka arrimaha dib-u-heshiisiinta, xallinta tabashooyinka jira iyo xoojinta wadajirka bulshada.




From the comments