Goobjoog

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xilka ka qaaday laba mas’uul oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada

Muqdisho – 4 Nofeembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalka ka qaaday laba mas’uul oo ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa…

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xilka ka qaaday laba mas’uul oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada

Muqdisho – 4 Nofeembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalka ka qaaday laba mas’uul oo ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa kala ah Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Saciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Fartuun Cabdiqaadir Faarax.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in xil-ka-qaadista lagu saleeyay qodobbada 117-aad iyo 120-aad, farqaddiisa labaad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo xeerarka u degsan Golaha Wasiirrada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka uu la xiriiray ilaalinta habsami-u-socodka shaqada Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyadoo la tixgelinayo mabaadi’da daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga.

Xil-ka-qaadista labada mas’uul ayaa dhaqan gashay 4-ta Nofeembar 2026, kaddib markii uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments