Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad farta ugu fiiqday dalal ka tirsan kuwa deriska la ah Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay door ku leeyihiin colaadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay Imaaraadka Carabta kala shaqeynayaan hurinta khilaafaadka siyaasadeed iyo xiisadaha amni ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeymahan ka jeediyay khudbad uu dhowaan ka hor jeediyay dadweyne, xilli uu ka qeybgalayay munaasabad bandhig suugaaneed ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu laaluush siiyay qaar ka mid ah dalalka deriska, si ay uga qeyb qaataan xaaladda colaadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaruhu, inkasta oo uu si cad u sheegay jiritaanka kaalinta ay dalalkaasi ku leeyihiin xiisadda, haddana ma uusan magacaabin dowladaha uu eedeynta u jeediyay, mana uusan faahfaahin nooca taageero ee dalalkaasi bixiyaan.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray heerkii ugu xumaa, kaddib markii Dowladda Federaalka ay bishii Janaayo ee sannadkan baabi’isay heshiisyadii kala dhexeeyay Imaaraadka, kuwaas oo isugu jiray iskaashi dhinacyada dekedaha, difaaca iyo amniga.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay 19-kii Nofeembar, markii dowladda Soomaaliya ay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho siisay muddo 72 saacadood ah inuu dalka kaga baxo, iyadoo sidoo kale dib ugu yeeratay safiirkeedii Abu Dhabi.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa imaanaya xilli Cabdicasiis Laftagareen iyo kooxdiisa oo abaabulaya codaaladda koonfur galbeed ay
haatan ku suganyihiin dalka Kenya.
From the comments