Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hay’adda Istaatistikada Qaranka ay door muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, isagoo ku baaqay in la diyaariyo tirakoob dhammaystiran oo lagu ogaado tirada saxda ah ee dadka iyo guryaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda Xuska Maalinta Istaatiistikada Afrika 2026 oo maanta lagu qabtay Muqdisho, taas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka (SNBS).
Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in xog sugan oo la isku halleyn karo ay muhiim u tahay qorsheynta horumarka dalka, gaar ahaan aqoonsiga baahiyaha bulshada, adeegyada aasaasiga ah iyo meelaha mudnaanta u leh maalgashiga dowladda.





From the comments