Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu daahfuray buugga “Somalia: A State in Search of Exceptional Leadership” oo uu qoray aqoonyahan Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, kaas oo si qoto dheer uga hadlaya dowlad-dhiska Soomaaliya iyo baahida loo qabo hoggaan tayo leh.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka hadlay arrimo la xariira xaaladda dowladnimada Soomaaliya, muhiimadda hoggaaminta wanaagsan iyo baahida loo qabo in dalka uu yeesho hoggaan leh aragti fog, karti iyo qorshe cad oo lagu xaqiijin karo dowladnimo adag oo waarta.
Buugga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya taariikhda dowladnimada Soomaaliya, marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray tan iyo burburkii dowladdii dhexe iyo dadaallada muddada dheer socday ee dib loogu dhisayo hay’adaha dowladda.




From the comments