Muqdisho, 24 Nofeembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xuska dhalashada Boqorka Boqortooyada Midowday ee UK, Boqor Charles III, taas oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda UK ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo xooggan, kaas oo ku dhisan is-aaminaad, ixtiraam iyo dano wadaag ah.
Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in labada dal ay iskaashi ballaaran ku leeyihiin dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo is-dhexgalka bulshooyinka labada dal.





From the comments