Goobjoog

Wufuud Heer Sare ah oo ku Qulqulaysa Dhuusamareeb oo uu Maanta Caleema-saarka Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug ka Dhacayo

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socata qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyadoo magaalada ay saacadihii ugu dambeeyay gaareen wufuud heer sare ah oo ka kala socota dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo dalal shisheeye.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb saacadihii la soo dhaafay gaaray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, hoggaamiyeyaasha maamullada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu daqiiqadaha soo socda gaaro magaaladaas si uu uga qeyb galo munaasabadda.

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa 22-kii Oktoobar 2026 loo doortay hoggaamiyaha maamulkaas, isagoo helay 72 cod oo ka mid ah 89 cod oo ay dhiibteen xildhibaannada Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments