Tripoli, Liibiya – 7 November 2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta ka qaybgalay kalfadhiga 22-aad ee Ururka Dalalka Saaxil-Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo ka qabsoomay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-howlgelinta iyo xoojinta doorka ururka CEN-SAD, iyadoo ajandaha kulanka lagu soo qaaday arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah, nabadda iyo amniga, caafimaadka iyo dhaqanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ka muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika, Saaxilka iyo Waqooyiga Afrika, si loo horumariyo xiriirka gobolka, loona abuuro iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyada kala duwan ah.




From the comments