Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u sheegay in reer Hiiraan la siiyay fursadda iyo xuquuqda ay ku yeelanayaan caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, hase yeeshee go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan caasimadda uu yaallo madaxda maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu jeediyay, isaga oo ka hadlayay arrinta caasimadda iyo tabashooyinka la xiriira matalaadda iyo maamulka Hirshabeelle.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in arrintan aan go’aan kama dambays ah laga gaarin, isla markaana madaxda Hirshabeelle ay leeyihiin go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan halka ay caasimaddu noqonayso.




From the comments