Jowhar, 8 Nofeembar 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si diirran ugu soo dhoweeyay madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Intii uu ku sugnaa Jowhar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray Terminal cusub oo lagu soo kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo kaabeyaasha garoonka.




From the comments