Doorashooyinkii dhexe ee Mareykanka ee dhacay 3-dii November 2026 ayaa waxaa si weyn isha loogu hayay musharraxiin Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin Ilhaan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah iyo Abdul El-Sayed oo asal ahaan Masri ah, kuwaas oo guulo ka gaaray tartamadii ay galeen, inkastoo ay wajahayeen ololeyaal siyaasadeed oo ay ku jireen eedeymo iyo hadallo lagu tilmaamay naceyb diimeed iyo mid ajaanibta ka dhan ah.
Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kana soo jeedda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, ayaa mar kale ku guuleysatay kursigeeda Congress-ka, iyadoo heshay 76.48 boqolkiiba codadka laga dhiibtay degmada ay matasho, waxaana guushani ay u suuragelisay inay markii shanaad dib ugu soo laabato Aqalka Wakiillada.
Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, Ilhaan Cumar waxay bartilmaameed u ahayd hadallo kulul oo uga imaanayay Madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbigiisa Jamhuuriga.
Trump ayaa marar kala duwan dhaliilo u jeediyay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Minnesota, isagoo hadallo muran dhaliyay ka sheegay dalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbad uu 2-dii November ka jeediyay magaalada Dubuque ee gobolka Iowa ku weeraray bulshada Soomaaliyeed, isagoo Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan dhibaatooyin badan, hadallo ay si weyn uga falceliyeen siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in la helay warar ku saabsan Soomaali aan sharciyeysnayn oo isku dubbaridayay inay saameyn ku yeeshaan codbixinta doorashada, eedeymahaas oo qayb ka noqday doodaha siyaasadeed ee hareeyay doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, Ilhan Omar ayaa khudbad ay jeedisay kadib markii ay guusha xaqiijisay 4-tii November ku sheegtay in weerarradii siyaasadeed ee lagu qaaday aysan ka hor istaagin taageerayaasheeda inay codkooda dhiibtaan, iyadoo u mahadcelisay shacabka Minnesota iyo bulshooyinka kale ee ay sheegtay inay wajahayeen weerarro iyo hadallo naceyb ku dhisan.
Dhanka kale, Abdul El-Sayed oo ahaa musharrax u tartamayay kursiga Aqalka Senate-ka ee gobolka Michigan, ayaa isaguna guul ka gaaray doorashada, isagoo helay 52.5 boqolkiiba codadka, halka musharraxii xisbiga Jamhuuriga Mike Rogers uu helay 45.5 boqolkiiba.
El-Sayed wuxuu noqonayaa Muslimkii ugu horreeyay ee taariikhda Mareykanka ku guuleysta kursiga Senate-ka, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Nation.
Abdul El-Sayed, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka bulshada, haystana shahaadada PhD ee cilmiga Epidemiology-ga, ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada la kulmay dhaliilo la xiriira magaciisa, diintiisa Islaamka iyo asal ahaan qoyskiisa.
Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer hadallo ka sheegay musharraxa, kuwaas oo ay taageerayaashiisa ku tilmaameen kuwo lagu beegsanayay aqoonsigiisa diimeed iyo kan qoys.
Trump ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyay sawir isaga iyo xaaskiisa Melania Trump ah oo barbar yaalla sawirka Abdul El-Sayed iyo xaaskiisa oo xijaaban, isagoo qoraalka ku lifaaqay hadal ku saabsan laba Ameerika oo kala duwan.
Arrintaasi waxay dhalisay dood ku saabsan sida aqoonsiga diimeed iyo asalka qoysaska loogu adeegsanayo tartamada siyaasadeed ee Mareykanka.
El-Sayed ayaa dhankiisa ku adkeystay in magaca iyo diintiisa aysan sabab u ahayn dhibaatooyinka dhaqaale ee shacabka Mareykanka, isagoo ololihiisa ku saleeyay arrimo ay ka mid yihiin dhimista saameynta lacagta ee siyaasadda, yareynta culayska dhaqaale ee qoysaska iyo helitaanka adeeg caafimaad oo loo siman yahay.
Markii uu xaqiijiyay guushiisa, Abdul El-Sayed ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyay ku sheegay inuu sharaf weyn u arko inuu noqdo senator-ka cusub ee gobolka Michigan, isagoo xusay in ololihiisa uu ku dhisnaa taageerada shacabka iyo kalsoonida ay muujiyeen.
Wuxuu sidoo kale fariin u diray Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, isagoo kaftan siyaasadeed ku yiri in dastuur ahaan ay waajib ku tahay inuu dhaariyo marka uu xilka la wareegayo bisha January.
Guulaha Ilhaan Cumar iyo Abdul El-Sayed ayaa kusoo beegmaya xilli ay doorashooyinkan hareeyeen dooddo xooggan oo la xiriira socdaalka, Muslimiinta, bulshada laga tirada badan yahay iyo kaalinta ay ku leeyihiin siyaasadda Mareykanka.
From the comments