Goobjoog

Wufuud Heer Sare ah oo ku Qulqulaya Magaalada Jowhar, Halkaas oo lagu Qabanayo Caleema-saarka Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle

Magaalada Jowhar, oo ah caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, waxaa ku qulqulaya wafdi kala duwan oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo diblomaasiyiin matalaya dalal kala duwan, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Hirshabeelle.

Munaasabaddan ayaa lagu caleema-saarayaa Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo mar kale loo doortay hoggaanka maamulka, iyo ku-xigeenkiisa.

Wufuudda gaaraysa magaalada Jowhar waxaa ka mid ah madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka, iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada ay gaaraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale oo heer federaal ah, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in marka uu gaaro Jowhar lagu soo dhoweeyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere, halkaas oo ay ku qaabili doonaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa la filayaa inay dhowaan qabsoonto ayna  khudbado ka jeediyaan  mas’uuliyiin ka socda Dawladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments