Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 171 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyey dalka Liibiya, kuwaas oo halkaasi ku wajahnaa duruufo nololeed oo adag iyo khataro la xiriira tahriibka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey muwaadiniintan.
Soo celinta muwaadiniintan ayaa timid kaddib kulan ay wasiirka iyo guddoomiyuhu la yeesheen wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).




From the comments