Maraykanka oo Sii Wadi Doona Taageeradiisa Hawlgallada Soomaaliya iyo Xukuumadda oo Soo Dhowaysay.

– Wakaaladda AFP Soomaaliya ayaa soo dhowaysay go’aanka uu Maraykanku ku cusboonaysiiyay taageerada uu siiyo hawlgallada milatari ee caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee dalka ka…

Maraykanka oo Sii Wadi Doona Taageeradiisa Hawlgallada Soomaaliya iyo Xukuumadda oo Soo Dhowaysay.

– Wakaaladda AFP

Soomaaliya ayaa soo dhowaysay go’aanka uu Maraykanku ku cusboonaysiiyay taageerada uu siiyo hawlgallada milatari ee caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee dalka ka socda. Go’aankani wuxuu tilmaamayaa inuu Maraykanku ka laabtay kaalma joojin uu hore ugu dhawaaqay, oo jiritaanka hawlgalkan milatari halis ku ahayd.

Waashintoon waxay hore u joojisay maalgelinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerista Soomaaliya (UNSOS), kaas oo kaalmo sahayeed oo lamahuraan ah siiya hawlgalka milatari ee ciidamada Midawga Afrika. Wuxuu Maraykanku taageerada hawlgalkan u sameeyay muddo kordhin ku eg dhammaadka sannadka 2027, markaas oo xafiiska la xiri doono.

Kooxda al-Shabaab, oo xiriir la leh Ururka Alqaacida, ayaa labaatankii sanno ee ugu danbeeyay la dagaalamaysay dawladda Soomaaliya. Kooxdu waxay gacanta ku haysaa dhul balaaran oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, inkasta oo uu hawlgalka Midawga Afrika uu dagaal kula jiro, hawlgalkaas oo aan sii socdeen haddii ay joogsan lahayd taageerada xafiiska UNSOS.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa maalintii axaddii ku dhawaaqday, kaddib dibu-eegis ay samaysay, ”inay muddo sannad ah cusboonaysiisay” kaalmada ay siiso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerista Soomaaliya (UNSOS) iyo ta ay siiso hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerista iyo Xasilinta Soomaaliya ee  (AUSSOM). 

Il diblomaasiyeed oo shisheeye ah oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa wakaaladda AFP u sheegay in soolaabashada kaalmada Maraykanku ay tahay mid mudan soo dhowayn, wuxuuse ku tilmaamay isbedbeddelka kediska ah ee siyaasaddu inuu yahay ”waalli”.

Ishan diblomaasiyadeed oo dalbaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inuu la yaabban yahay sida aanay Waashintoon uga faa’idaysan inay xukuumadda Soomaaliya ciriiri  ku saarto kaalmadan ay soo celisay, waayo  waxay dhowaan sababtay fawdo siyaasadeed oo dhantaashay hawlgalkii ka dhanka ahaa kooxaha fallaagada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu doonaya inuu dalka gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah oo dhammaystiran, waxaase diidmo hubaysan kala horyimid ururrada mucaaradka, kaddib markii uu meelmariyay bishii Maarso wax-ka-beddel dastuur, kaas oo siiyay sannad dheeraad oo uu sii joogo xukunka. Toddobaadkii ina dhaafayna wuxuu casilay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli ay maxkamaddu ku hawlanayd inay soo saaro xukun burinaya muddakordhinta sare. Sidoo kale, dagaalka lagula jiro kooxda argaggaxisada al-Shabaab  ayaa wajahaya culaysyo. Waxay sheegatay kooxdu inay shirqool ku dishay boqollaal ka mid ah ciidamada xulka ah ee Soomaaliya, kanina wuxuu noqon karaa weerarradii ugu halista badnaa ee ay kooxdu sannado qaaddo, inkasta oo aysan xukuumaddu sheegin tirada dhimashada.

Maalmo kaddib Yugaandha, oo ah dalka ay ciidamada ugu badani kaga jiraan hawlgalka milatari ee caalamiga ah, ayaa ku dhawaaqday inay dhammaan ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadnaqday saaxiibkeeda ‘soojireenka ah’ ee Maraykanka, in uu cusboonaysiiyay kaalmadeeda, waxayna sheegtay inay taasi muujinayso ”iskaashiga soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, iyo dagaalka wadajirka ah ee ay kula jiraan argagixisada.”

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay inay ciidamada Soomaaliya la wareegayaan hoggaanka hawlgalka milatari ee caalamiga ah, iyo in ”inta badan magaalooyinka waaweyn iyo gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay ku naaloonayaan nabad iyo xasillooni”. Balse Waashintoon waxay jartay kaalmadeeda bishii luulyo, iyada oo ka niyadjabsan inay xukuumadda Soomaaliya ku fashilantay ”inay horumar ka samayso dagaalka lagu la jiro al-Shabaab iyo inay la wareegto masuuliyadda hawlaheeda amni, iyo inay hagaajiso waaxyaha amniga.”

Waashintoon waxay sheegtay  inay hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ku bixisay lacag ku dhow 2 bilyan oo doollar, laga bilaabo sannadkii 2007, iyo inay lacag ka  badan 1.6 bilyan ku bixisay ciidamada midawga Afrika ee halkaas ku sugan.


Waxay haysataa kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab dhul ballaaran oo bartamaha Soomaaliya ka mid ah, sida oo kale waxay shabakad ganacsi oo saamayn leh ku leedahay dhammaan dalka, oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay ka hesho dhaqaale wanaagsan.

Inkasta oo ay xukuumaddu guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda oo ay deegaanno badan ka qabsatay, kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh xukunka ku soo laabatay 2022, haddana guulahaas lama sii xejin, kaddib markii ay kooxdu soo qaadday dagaallo rogaalcelis ah sannadihii xigay.

Waxay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku maalintii axadda, in cusboonaysinta kaalmada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, uu ka qaybqaadan doono yaraynta halisaha ka imaanaya Soomaaliya, iyo ”inuu baajin doono inay halis amni oo weyni  ka dhacdo gobolka, taas oo wax u dhimaysa danaha Maraykanka”, sida uu afhayeenka Wasaaraddu sheegay.

Il diblomaasiyadeed oo shisheeye ayaa xusay inuu isbeddelka qorshuhu yimi, kaddib markii qiimayn gudaha ah oo ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay dhalisay cabsi laga qabo inay Soomaaliya isu rogto dawlad faashil ah. Taasina waxay walaac ku abuurtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo qorshihiisa musharraxnimada ee doorashada Maraykanka ee 2028, sida ay isha diblomaasiyadeed xustay, inkasta oo aanay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu toos u xusin sababaha keenay isbeddelka siyaasaddeeda.

Hayeeshee, afhayeenka Wasaaraddu wuxuu sheegay in uusan jirin ”waajib iska furan” oo kaalmaynta Soomaaliya ahi, waxaanu sheegay inay lamahuraan tahay inay Soomaaliya iyo Midawga Afrika ka shaqeeyaan qorshaha loogu gudbayo ”xalal amni goboleed oo waaritaan leh”.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments